News & Events

November 2022

Objective Structured Clinical Examination
*********** ( OSCE ) ***************
waxaa Saaka Usoo Gabagabobay Ardayda Kulliyadda Midwife Ee Jaamacadda Sool imtixanadii Gacan Kaqabashada ( OSCE ) imtixanadaas Oo usocday Laba Maalmood.
Imtixanadan Gacankaqabashada Ayaa ah Kuwa Ugu danbeeya ee ardayda jamacaddu Galaaan Si Markay Kagudbaan loogu aqoonsado Qualified , xaqna Uyeeshaan Qaadashada Shahaadada.
Dhamaaan ardayda Guul Baan urajaynaynaa.
MAAMULKA JAAMACADDA SOOL OO KULAN SAGOOTIN AH UQABTAY ARDAYDA MACHADKA XIRFADLAYAASHA CAAFIMAADKA BUUHOODLE ( BHPI )
Maamulka Jaamacadda Sool ayaa Caawa Xaflad Sagootin ah Uqabtay ardayda Umulisooyinka ( Midwifery C) ee Machadka Xirfadlayaasha Caafimadka buuhoodle oo muddo Bil ah magaalada laascaanod Ujoogay Aqoon Kororsi iyo Practical ( Internship program)
Ardaydan ayaa Muddadii ay Joogtay Magaalada Waxa ay Jaamacadda sool ku qaateen Tababarro Kala Duwan, Sidookale Waxay Goobaha Caafimaadka Ee Lascanod General hospital, Fayo Hospital , iyo Manhal Hospital ay Kuqaateen gacan kaqabasho ( Practical ).
Intii Kulankaas Socday Maamulka sare Ee jaamacadda Sool ayaa Shahaadoyin ( Internship certificates ) Guddoonsiiyay Ardayda sidoo kale siiyay Talooyin iyo dhiirigalin Ardaydaas , Ardayda ayaa dhankooda waxay kawarbixyeen Muddadaas ayjoogeen Wixi ay Faideen.
OGAYSIIS OGAYSIIS, MASTER PROGRAMMS
Maamulka Jaaamacadda Sool Wuxuu ogaysiinayaa dhammaan ardayda jecel waxbarashada ee danaynaysa heerka 2aad ee waxbarashada sare (Master programs) In ay Jaamacaddu bilaabayso qaadashada dufcadii 1aad waxabarashada heerka labaad (Master programs) .
Program kan Master ka waxaa iska kaashanaya jaamacadda Jig_jiga University Ethiopia iyo Jaamacadda sool.
Waa program ay Jaamacada Sool University suurogalaniyso inay ardayu ku
qaataan campuska jaamacadda Sool University.
kulliyadaha Master ka ah ee hada diyaar ka ah waxaa ka mid ah
Master programs.
1. General Master of Public Health
2. Master of public health in Nutrition
3. Master of public health in Epidemiology
4. Master of Science in Adult health Nursing
5. Master of Science in one Health in Tropical & infectiousness Disease
6. Master of Science in maternity
7. Master of Science in Pediatric and Child Health Nursing
Wixii faahfaahin intaas dheer waxaad kala soo xidhiidhi kartaa
Whatsapp:
+252634499056
+252634902674
+252634153497
Call: +252 755208
COMPREHENSIVE WRITTEN EXAM 
Ardayda Kulliyadaha Midwife iyo Nursing ka ee sannadka Kaqalinjabinaya jaamacadda Sool ayaa Maalintii Labaad ufadhiya Imtixaanaadkii Qalinjabinta ( Comprehensive Written Exams).
Imtixaanadana ooah kuwo Lagu qiimeeyo Ardyga Jaamacadda Kabaxaya aqoontiisa, waana Imtixanada Markuu ardaygu kagudbo ookaliya uuqaadan karo Shahaadada Jaamacadda.

COMMUNITY OUTREACH 

Saaka oo ah Sabti 12/11/2022 Waxaa jaamacadda Sool Ay ukala dirtay 8 deed Deegaan , dhakhaatiir iyo 75 Arday ookamida Ardayda Jaamacdda sool kuwaas oo gaadhsiin doona Adeegyo caafimaad oo bilaash ah sida
Daawayn
Baadhitaano
Wacyigalin
Teamamkaas Ay jaamacaddu Saaka Kala dirtay ayaa Waxay Deeganadaas Ku maqnaan Doonaan muddo Dhawr maalmood ah .
Arrintan Ayaa timi kaddib markii ay Gobolka sool kusoo korheen Xaalado Caafimaad darro oo ay Kamid Tahay Xanuunka xumadda watta ee ay Gudbiso Kaneecadu , iyo xanuunada sida shubanka oo xiili roobaadka dhacikara.
Magaalooyinka Adeegyada Caafimad , Dhakhatirta iyo Ardyda Jamacadda Loo diray ayaa kala ah : Yeyle, Guumays, Yagoori , Adhicadeeye, Gambadhe , Tukaraq , Kalabaydh iyo Qoriley.
Safarkan Jaamacada Sool waxaa ka Taageeray Hay’adda UNFPA & ururka SLNMA .

SOOL UNIVERSITY, THESIS DEFENSE

 

HESHIIS WADA SHAQAYN IYO ISKAASHI

JAAMACADDA SOOL & JAAMACADDA JIGJIGA
Kulan dhex maray Maamulka Jaamacadda Sool ( SU ) iyo Maamulka Jaamacadda Jigjiga ( JJU) kana qabsoomay Xarunta Jaamacadda Jigjiga ayaa muhimadisu ahayd sidii labada jamacadood ay is kaga kaashan Lahaayeen Dhinacyo badan oo ah sidii loo horumarin lahaa tayada waxbarasho ee Jaamacadaha,
Kulankaas oo wajigiisii Koonaad kusoo dhammaaday Jawi wanagsan iyo is afgarasho ayaa Wajigiisa Labaad Uuka qabsoomi doonaa xarunta jaamacadda Sool ee magaalada Laascaanod.
Dhawaanna Heshiisyadaas iyo iskaashigaas ay ka kala faaidaysan doonaan labada Jaamacadoodba.

October 2022

 

KULANKA JAAMACADDA SOOL EE MAGALADA MINNESOTA

KULANKA JAAMACADDA SOOL EE MAGALADA MINNESOTA Kulan Kadhacay magaalada Minnesota ee Carriga Maraykanka Ooay Daadihinaysay Drs Amina Hassan Kurtin ookamida Aasaasayasha Jaamacadda Sool , xubinna Ka ah Boardka Jaamacadda sool.Kulankaas Oo ay Kaso qaybgaleen Aqoonyahan iyo Ganacsato kunool Carriga Maraykanka Ayaa Ujeedkisu ahaa Sidii Warbixin Loga Siin Lahaa Daneyayasha arrimaha Waxbarashada Marxaladihi ay soomartay Jaamacadda sool iyo Hiigsiga mustaqbalka dhaw.

Sidokale kulanka ayaa Muhiim uahaa xidhiidhka Jamacadda sool iyo Jaamacado Ku yaalla maraykanka kuwaas Oo Jaamacadda Kacaawin Doona Dhinacyo badan.

 

Integrated Management of Acute Malnutrition (IMAM) TRAINING

Waxaa usoo Gabagabobay Ardayda Kulliyada Nursing ka ee dhammaynaysa Sannadkii 3 aad ee Jaamacadda ( J Nursing ) Tababar ku saabsanaa daawaynta iskudhafka ah ee Nafaqa Darradda ( integrated Management of Acute Malnutrition ) Oo u Socday muddo 2 isbuuc ah.
Tababarkan Muddadii uusocday waxaa Ardayda Lagu tababray Hababka ay Ushaqeeyaan programs ka SFP, OTP, SC, iyo sida Loo ogaado Nooca Nafaqo Darro ee haysa Ilmaha MAM, & SAM , sidokale hababka Losameyo Nutritional Assesment ( ABCD) iyo Duruuso kale.
Faculty of Nursing
Sool University

September 2022

 

Kormeerid
Wasaarada Caafimaadka iyo Ururka Kalkaalisooyinka & Ummulisooyinka ee MoHD & SLMNA ayaa kormeer shaqo ku soo gaadhey maanta xarunta Jaamacadda Sool University ee magaalada Laascaanood .
Kormeerkan ayaa daarranaa dhiiri gelinta iyo dar dar gelinta in kor ay u sii qaado Jaamacada Sool ardayda Ummulisooyinka ee ay Jaamacadu u soo saarto Bulshada dhowr kii sanoba mar , kuwaa oo dabooley baahidii loo qabay in a helo dad aqoon u leh cilmi Ummulisonimada meesha ka saartay dadkii cilmi dhagoodka ku qaban jirey shaqadan.
Jaamacada Sool ayaa ah Jaamacad soo saarta arday Kooban oo Tayadoodu sarrayso isla markaana ka soo gudbey dhamaan Kulliyadaha kala duwan ee ay Jaamacadu bixiso.
JAAMACADDA SOOL OO KAQAYB GASHAY SHIR WADATASHI OO 19 -23 SEPTEMBER KASODAY WADDANKA NETHERLAND.
Madaxweynaha Jaamacadda Sool proff Abdirisak Mohamoud Ali ( Darawal ) Ayaa ka Qaybgalay shir kaqabsoomay waddanka Netherland oo soconayay muddo shan maalmoda shirkaas oo ay kasoo Qaybgaleen khuburo kakala timi Waddamada adduunka laguna martiqaaday Jaamacadaha Geeska Afrika oo ay kamid Tahay
1. Jaamacadda Sool ( Sool University)
Shirkan oo ay Marti Galisaay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Netherland, Qaybna ay ka ahaayeen Wageningen Universitry of Research and Innovation of Netherland and
Food and Agriculture Organization (FAO)
Ayaa lagaga hadlayay sidii loo tayayn lahaa Beeraha, Xannaanada xoolaha, calafka iyo Daaqa xoolaha.
MAXAADARO DIINI AH
Waxaa Jaamacadda sool ka qabsoontay maxaadaro diini ah kusaabsan cilmiga caafimaadka.
Waxaa soo jeediyay ajar iyo xasanaad illaahay haka siiyee Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil waxaana uu kajawaabay wixii waydiimo ah oo ardayda jaamacadda mugdiga kaga jiray.
Waxaa jaamacadda sool kormeer shaqo kusoo gaadhay kumishinka Tacliinta Sare.
VALIDATION OF MIDWIFERY CURRICULUM
Wasaradda Horumarinta Caafimadka SL, Haayadda UNFPA, iyo ururka SLNMA ayaa siwada Jira uqabtay Tababar iyo Kulan kusaabsanaa Soo bandhigista/Hirgalinta Manhajka Cusub ee Umulisoyinka.
Jaamacadda Sool ayaa Qayb ka ahayd kulankaas ooay Kaso Qaybgaleen Jaamacadaha Dawliga ah ee Dalka Ayaa waxaa Jaamacadda sool uga qaybgalay
Madaxweyne kuxigeenka Jaamacadda Marwo Zamzam Duale muse iyo Xubno Kamida kulliyadda umulisooyinka ee jaamacadda.
Muhiimadda Kulan Ayaa ahayd in si buuxda laiskula qaatay waxkabadalkii iyo kaabistii lagu sameyey manhajkii Kulliyadaha umilisoyinka ee shantii sanee lasoo dhaafay.
Allah Mahad Leh.
OGAYSIIIS OGAYSIIS
Dhammaan ardayda dhammaysatay dugsiyada sare ee dalka waxaan ugu bishaaraynaynaa in Jaamacadda Sool ay ka bilaamatay isbdiiwaangalinta ardayda cusub ee sanad waxbarashadeedka 2022 / 2023.
Jaamacaddu waxay udiyarisay Ardayda Kulliyadahan kala duwan ee hoos ku qoran.
*Nutrition & Food science degree
* Midwifery degree
*Nursing degree
*Medical laboratory degree
*Public Health degree
Sidoo kale ardayda horey Jaamacadaha Dalka Uga diyaarisay kulliyadaha kala ah
Nutrition and Food science Diploma
Nursing Diploma
Midwife diploma
Waxay Jaamacaddu udiyaarisay ( Upgrade Urograms ama inay Degree ugu dhigto) si ay ugu diyaarinayaan muddo kooban Degree gooda.
Wiixii faah faahin ah kala xidhiidh Xafiiska diiwaan galinta Jaamacadda Sool.

August 2022

HOSPITAL MANAGEMENT TRAINING 
Tababar Soconayay Laba maalmood oo ku saabsanaa Hab Maamulka cisbitaalada ( Hospital Management ) Ayaa Shalay usoo dhammaaday Ardayda Kujirta Semesterka siddeedaad ( Senior Students ) Ee Jaamacadda Sool.
Madaxweynaha Jaamacadda proff Abdirizak Darawal iyo madaxweyne xigeenka Jaamacadda Marwo Zamzam Duale Ayaa Munaasabaddii soo xidhitanka Tababarka ardayda ku guddoonsiiyayay shahaadoyinkii kaqaygalka ( Certificates of Participation ).

March 2022

Xafladda Qalinjabinta Dufacadda 9aad ee Jaamacadda Sool ( Sool University )
Kulliyadaha ka Qalinjabinaya Jaamacadda maanta waa:
Nursing Degree
Midwifery Degree
Laboratory Degree

February 2022

 

Tacsi
Jaamacadda Sool ( Sool University ) waxay tacsi u diraysaa dhamaan umadda islaamka ah oo ka geeriyooday shiikheenii waynaa Shiikh Cabdi Naasir Xaaji Axmed oo shalay gacan ka xaqdarani ku qarxisay magaalada Kismaanyo oo arrimo dacwdo ka waday shiikhu maalmahan.
Waxaan ilaahay uga baryaynaa in ilaahay u naxariisto jannatul fardawsana ka waraabiyo qabriga u waasiciyo oo beer ka mid ah beeraha jannada uga dhigo shiikha.

January 2022

 

Thesis Defense

Waxaa saaka oo ay Taariikhdu ku beegnayd 29 January 2022 Hoolka Jaamacadda Sool ( Sool University ) ka qabsoomay difaacashada buugga daraasada ama Thesis Defense kaas oo ay soo jeedinayeen kulliyadaha kala ah Nursing Degree iyo Laboratory Degree

KULANKA CULIMADA G.SOOL IYO ARDAYDA JAAMACADDA SOOL
Xafiiska Arrimaha Ardayda Ee Jaamacadda Sool ayaa maanta oo Khamiis ahayd soo Qabanqaabiyay Kulan Cilmiyeed Hal Maalin ah oo qaybkamida Culimada Gobolku Kula Hadlayeen Ardyda Jaamacadda SooL.
Kulankan Waxaa Ardayda Kula Hadlay
Gudoomiyaha Guud ee dacwadda Gobol ka Sool #Shiikh_Jaamac_Yaasiin
#Shiikh_Maxamuud_Maxamed_Xalliike oo kamid ah culimada ugu waa wayn ee Gobol ka Sool iyo #Shiikh_Cabdillahi_Maxamuud_Warsame ( Abu Luqmaan) Oo dhamaantood Jeediyay Muxaadaroyin aad u qiima badan oo taabanayay meelo badan Kuwaasoo isugu jiray ” Wacdi, Waano, Dar daaran iyo Fataawaat( Sualo diini ah Oo logajawabay ardayda ) kulankan ayaa kaqabsomay Hoolka Jaamacadda Sool, Sool University 2022.